calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Shiinaha oo ¥15milyan ku bixinaya mashruuc gargaar oo Soomaaliya laga fulinayo

Shiinaha iyo Soomaaliya waxaa ka dhexeeya xiriir diblomaasiyadeed oo muddo dheer ah

Shiinaha oo ¥15milyan ku bixinaya mashruuc gargaar oo Soomaaliya laga fulinayo
Shiinaha oo ¥15milyan ku bixinaya mashruuc gargaar oo Soomaaliya laga fulinayo — SONNA

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu, ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan mashruuc gargaar ah oo ay Dowladda Shiinaha ku taageereyso Soomaaliya.

Mashruucan oo qiimihiisu yahay 15 milyan oo Yuan-ka Shiinaha ah ayaa loogu talagalay in lagu caawiyo dadka nugul ee ay saameeyeen xaaladaha bani’aadannimo, iyadoo gargaarkan la gaarsiin doono deegaannada ugu baahida badan dalka, si loo xoojiyo dadaallada gurmadka iyo taageerada bulshada.

Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu, ayaa sheegay in Dowladda Shiinaha ay sii wadi doonto garab istaagga iyo taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bani’aadannimo iyo xoojinta iskaashiga labada dal.

La wadaag