calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Safaaradda Soomaaliya ee Algeria oo lagu qabtay xuska 1-da Luuliyo

Munaasabadda waxaa ka qaybgalay diblomaasiyiin wadamo kala duwan ka socda.

Safaaradda Soomaaliya ee Algeria oo lagu qabtay xuska 1-da Luuliyo
Safaaradda Soomaaliya ee Algeria oo lagu qabtay xuska 1-da Luuliyo — SONNA

Aljeris (SONNA): Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay 66-guuradii ka soo wareegtay markii Gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo Israacii taariikhiga ahaa ee Gobollada Waqooyi iyo Koonfur, ayaa lagu qabtay xarunta safaaradda Soomaaliya ee dalka Aljeeriya

Munaasabaddan qiimaha badan waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka Beeraha iyo kaluumeeysiga Aljeeriya Mudan Yaasiin Waliid, Agaasimaha xiriirka Dibadda ee Wasaaradda Gaashandhigga Aljeeriya, Gudoomiyha Gudigga xiriirka Arrimha Dibadda ee Baarlamaanka Dalka Aljeeriya iyo Safiirka cusub ee dowlada Aljeeriya usoo magacaawday Soomaaliya, Safiiro iyo boqolaal marti sharaf ah.

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya Mudane Yuusuf Axmed Xasan , ayaa ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan sida ay mar walba u ilaaliyaan qaranimada, midnimada iyo qiimaha maalmaha xorriyadda.

Danjiruhu wuxuu sheegay in 1-da Luulyo ay tahay maalin ka turjumaysa geesinimadii iyo halgankii ay soo mareen shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay xambaarsan tahay fariin ku saabsan wadajir, isku duubni iyo ilaalinta dowladnimada.

La wadaag