Wararka
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay Agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran si loo dardargaliyo hawlihii socday.
Mudane Xamsa oo cuskanaya qodobada 119-aad, farqada (D) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay agaasimeyaasha kala ah.
1- Dr. Maxamed Saneey Dalmar :
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
2- Mudane Axmed Yuusuf Cabdulle
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha
3- Mudane Cabdullaahi Xasan Aadan
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa agaasimayaasha kula dardaarmay shaqo gudasho hufan iyo dardargalinta waajibaadka wasaaradaha loo igmaday.


