Gudaha
Ra'iisul wasaaraha XFS oo saxiixay buugga tacsida AUN Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf Cali

Muqdisho,(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa saxiixay buugga tacsida Alle ha u naxariistee Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo ka mid ahaa duubabka dhaqanka Soomaaliyeed oo dhowaan geeriyooday.
Ra’iisul Wasaaraha oo kelmaddo kooban ka jeediyay isu imaatinka tacsida Imaamka ayaa marka hore u tacsiyeeyay ehelka, qaraabada, qoyska iyo dhammaan dhaqanka Soomaaliyeed uu ka geeriyooday Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf Cali, wuxuuna marxuumka Alle uga baryayay inuu janatul fardows ka waraabiyo.
" Alle ha u naxariistee, Imaamka wuxuu ka tirsanaa dhaqanka waa weyn ee Soomaaliyeed oo qiimaha iyo qaaayaha leh oo dadkan Soomaaliyeed wax weyn u soo galay Dowladdnimada iyo ummadda in la isku keeno odayaashii kaalinta weyn ka soo qaatay ayuu ahaa",.
Ugu dambeyn, Ra'iisul wasaaraha ayaa la kulmay eheladda Marxuumka Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali.



