calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Ra'iisal wasaare ku xigeenka dalka oo furay shirka ka-baaraandegidda Istaraatiijiyadda Qaran ee Isdhexgalka Gobolka

Shirkan ayaa diiradda saaraya sidii Soomaaliya qayb uga noqon lahayd fursadaha suuqa Afrika

Ra'iisal wasaare ku xigeenka dalka oo furay shirka ka-baaraandegidda Istaraatiijiyadda Qaran ee Isdhexgalka Gobolka
Ra'iisal wasaare ku xigeenka dalka oo furay shirka ka-baaraandegidda Istaraatiijiyadda Qaran ee Isdhexgalka Gobolka — SONNA

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta furay shirka ka-baaraandegidda Istaraatiijiyadda Qaran ee Isdhexgalka Gobolka oo diiradda saaraysa isku-xirka dhaqaale, ganacsi iyo kaabayaal ee Soomaaliya iyo dalalka gobolka, ayna ka soo qayb-galeen qaar ka mid ah wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaliya, mas’uuliyiin ka socday hay’adaha kala duwan ee dawladda iyo khubaro farsamo.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa sheegay in Qaaradda Afrika ay maanta tahay mid ka mid ah suuqyada u waaweyn caalamka, ee dunida inteeda kale doonayso in ay wax ka iibiso, Soomaaliya-na ay haysato fursaddii ay noqon lahayd buundadii isku xidhi lahayd caalamka intiisa kale iyo Afrika maaddaama ay leedahay xeebta u dheer Qaaradda Afrika.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa xusay in caqabadda u weyn ee dalalka Afrika soo wajahayaan uu is-dhexgalka dhaqaale u weyn yahay maaddaama aysan jirin ganacsi ballaadhan oo dalalka qaaradda u dhexeeya, ayna muhiim tahay in aragti cilmi ku dhisan la la yimaado si fursaddahaas jira Soomaaliya iyo dadkeedu uga faa’iidi lahaayeen.

Istaraatiijiyadda Qaran ee Isdhexgalka Gobolku waxa ay dejinaysaa jihada Soomaaliya uga faa’iidaysan karto marinadeeda ganacsi, dekedaha iyo soohdimaha, si loo fududeeyo ganacsiga, loo ballaariyo suuqyada, loo kobciyo maalgashiga, loo na xoojiyo isku-xirka dhaqaale ee Soomaaliya, Geeska iyo Bariga Afrika iyo qaaradda inteeda kale.

La wadaag