Wararka
Ra'iisal wasaare ku xigeenka 2-aad ee dalka oo soo xiray Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliyeed
Shirka waxaa looga hadlay amniga badaha, ilaalinta deegaanka iyo horumarinta kheyraadka

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda JFS Mudane Jibriil Cabdirashiid ayaa magaalada Muqdisho ku soo xiray Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliyeed, kaasi oo looga hadlayo muhiimadda ay badaha Soomaaliya u leeyihiin koboca dhaqaalaha, amniga, ilaalinta deegaanka iyo horumarinta kheyraadka buluugga ah.
Shirkan Badaha Soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada,ganacsato, aqoonyahanno, cilmi-baarayaal, wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah iyo daneeyeyaal kale.












