Wararka
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo kormeeray goobaha codbixinta Galmudug

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kormeeray goobaha codbixinta ee ay maanta u dareereen bulshada magaalada Galkacyo si ay uga qayb qaataan doorashada qof iyo cod.
Codbixinta Galkacyo waxaa sidoo kale ka qayb qaatay wasiiro heer federaal ah iyo mas’uuliyiin kale, kuwaas oo saaka aroortii hore saf u galay goobaha codbixinta si ay codkooda u dhiibtaan
La wadaag



