Wararka
Qaadashada Kaarka doorashada qof iyo cod oo ka bilaabatay degmada Xarardheere
Xarardheere waxa ay ka mid ahayd degmooyinkii ay Khawaarijtu mudada dheer dhibaatada ku haysay ee la xoreeyey.

Xarardheere (SONNA): Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, ka daahfuray qaadashada kaarka Doorashada Qof iyo Codka ah.
Daahfurka qaadashada kaarka maanta waxaa lagu bilaabay Guddoomiyaha Degmada Xarardheere, Caseyr Ibraahim waxaana munaasabadda daahfuray Agaasimaha Doorashooyinka Gobolka Galmudug, Mudane Mahad Xasan Warsame.








