Wararka
Musharraxa hogaamiyaha Galmudug Liibaan Axmed oo gaaray degmada Baxdo
Waxa uu bulshada Baxdo ku bogaadiyey halgankii ay la galeen argagixisada oo ay kaga adkaadeen.

Baxdo (SONNA): Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud.
Wafdiga ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay wasiirro, xildhibaanno heer federaal iyo heer Dowlad-goboleed, masuuliyiin ka tirsan Galmudug, iyo boqollaal ka mid ah shacabka degmada oo isugu soo baxay soo dhoweynta wafdiga.
Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, oo hadal ka jeediyay munaasabadda soo dhoweynta, ayaa sheegay in reer Baxdo ay Soomaalida u muujiyeen sida la iskaga difaaco Khawaarijta, isla markaana ay jab culus gaarsiiyeen. Waxa uu intaa ku daray in ay ummadda Soomaaliyeed u horseedi doonaan dhammeystirka iska xoreynta Khawaarijta.












