Wararka
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐ก๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐ฒ๐๐๐ฒ๐๐ฒ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฅ๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐

Muqdisho(SONNA):- Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo ku aaddan xuska Maalinta Calanka Soomaaliyeed u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Raโiisul Wasaare Xamsa, ayaa tilmaamay in Maalinta Calanka ay mudnaan gaar ah u leedahay qof walba soo leh sumadda Soomaaliyeed, isla markaana ay ku wayntahay taariikhda ummaddeenna, maadaama oo maanta ku beegantahay maalinkii Calan Soomaaliyeed laga taagay dhul Soomaaliyeed, waxa uu xusay in Calanku uu astaan u yahay gobannimada, midnimada, wadajirka iyo qarannimada shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambayn, Raโiisul Wasaaraha, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan midnimada dalkeenna, hirgalinta nabadda, wada-noolaanshaha bulshada iyo kor u qaadista sumcadda Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.



