calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Sanadkan waxaa munaasabadda loo agaasimay si meeqaam sare leh

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo
Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo — SONNA

Muqdisho (SONNA) Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu dabaaldagayo maalinta Qaran ee 1-da Luuliyo oo ku asteysan Midowga dalka iyo xoriyadda gobollada Koonfureed oo maanta laga joogo 66-sano.

Munaasabadda waxaa ka qaybgalaya madaxda Qaranka, ciidamada qalabka sida iyo qaybaha bulshada, waxaana lagu soo bandhigayaa farshaxan sare iyo cudud ciidan oo muujinaysa sida ay ciidanka Qaranku u dhismayaan.

Ciidamada cirka oo wata diyaarado kala duwan iyo Ciidanka Dhulka oo ku hubaysan gaadiid gaashaaman oo casri ah ayaa ka qaybgalaya munaasabadda.

Bashiir Maxamed Jaamac wasiirka deegaanka dowladda FS ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in agaasinka munaasabadda sanadkan uu sarreeyo, islamarkaana uu muujinayo sida dalku uga soo kabanayo burburkii soo gaaray.

La wadaag