Wararka
Taliyaha ciidanka XDS oo Isbitaalka ku booqday ciidamo furimaha dagaalka ku soo dhaawacmay
Taliyaha ayaa hubinayey daryeelka caafimaad ee ay ciidanku helayaan

Muqdisho (SONNA): Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka ku booqday ciidanka Qaranka ee ku dhaawacmay howlgallada lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa askarta dhaawacantay mid mid u wareystay xaaladdooda caafimaad, isagoo u muujiyey garab istaag iyo dhiirrigelin. Sidoo kale, wuxuu warbixin ka dhegeystay saraakiisha caafimaadka ee isbitaalka, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyey xaaladaha caafimaad ee askarta iyo dadaallada lagu bixinayo daryeelkooda.
Taliyaha ayaa bogaadiyey geesinimada, naf-hurnimada iyo waddaniyadda ay muujiyeen halyeeyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo naftooda u huraya difaaca dalka, dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.




