calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Ra'iisal wasaare ku xigeenka dalka oo kormeeray Doomaha Shirkadda Marina Seafood

Kormeerka ayaa ahaa mid lagu dhiirri galinayo horumarinta kalluumaysiga

Ra'iisal wasaare ku xigeenka dalka oo kormeeray Doomaha Shirkadda Marina Seafood
Ra'iisal wasaare ku xigeenka dalka oo kormeeray Doomaha Shirkadda Marina Seafood — SONNA

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kormeer iyo dhiirrigelin ugu tagay shirkadda Marina Seafood iyo doontooda Maanya Mooya oo ka shaqeysa kaluumaysiga kaluunka Soomaaliya, maadaama lagu guda jiro asbuuca kaluumaysiga Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Saalax Axmed Jaamac, oo uu wehliyay Wasiirka Kalluumeysiga XFS, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa dekedda waxaa ku soo dhaweeyay maareeye ku-xigeennada Dekedda Muqdisho, Dr. Cali Xaaji iyo Eng. Ismaaciil Aw Muuse.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Saalax Axmed Jaamac, oo kormeeray doontaan oo ku soo xiratay dekedda Muqdisho ayaa bogaadiyay shirkadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhiirraday maalgashiga iyo dhoofinta khayraadka dalka, isagoo sheegay inay ka go’an tahay dhiirrigelinta iyo fududeynta ganacsiga, iyadoo ahmiyad gaar ah la siinayo ganacsatada wax dhoofisa, si loo kordhiyo wax-soo-saarka gudaha dalkeenna.

La wadaag