Wararka
Muwaadiniin Soomaali ah oo dalka dib loogu soo celiyay
Dowladda Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 169 muwaadin oo ku xirnaa xabsiyada dalka Liibiya.
Dib u soo celinta muwaadiniintaan waxaa iska kaashaday dowladda Soomaaliya iyo Hey’adda socdaalka adduunka,iyadoo 29 muwaadin lagu dajitay Hargeysa,halka 140 kale la keenay Muqdisho.
Agaasimaha waaxda jaaliyadaha iyo qurbo joogta ee wasaaradda arrimaha dibadda XFS Ibraahim Guure ayaa kamid ahaa mas’uuliyiintii ka qeyb gashay soo dhoweynta muwaadiniintaan maanta dib loogu soo celiyay dalka.
Dhanka kale,dood-wadaag ku saabsan ka hortagga tahriibka dhallinyarada ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Doodaasi waxaa ka qeybgalay Prof.Maxamed Cumar Dhalxa iyo xubno kaleoo ka socday ururada dhallimyarada.
La wadaag



