Wararka
Guddoomiyaha golaha shacabka oo guddoomiyey shirka aan caadiga ahayn ee gudoomiyaaha Baarlamaanada EAC
Kulanka oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga baarlamaanada iyo dardargelinta is-dhexgalka gobolka

Nairobi (SONNA): Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa shir-guddoomiyey kulanka aan caadiga ahayn ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Kulanka oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga baarlamaanada iyo dardargelinta is-dhexgalka gobolka, ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu khudbad dhinacyo badan taabanaysa kaga hadlay arrimo muhiim u ah horumarinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda Baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika, isagoo ugu horreyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Qaranka Kenya iyo Baarlamaanka dalkaasi uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran ee loo sameeyey madaxda iyo wafuuda ka qaybgalaysa kulanka, iyo sidoo kale qabanqaabada heerka sare ah ee loo sameeyey martigelinta kulankan muhiimka ah, waxa uuna sidoo kale u mahadceliyey Xoghayeyaasha Baarlamaannada iyo Xoghayeyaasha Guud dadaalka, hawlkarnimada iyo diyaar-garowga ay muujiyeen intii uu socday kulankii farsamo ee diyaar-garowga shirkan, kaas oo qabsoomay 27-ka iyo 28-ka Oktoobar 2026.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay laba qodob oo muhiim ah, waxaana qodobka koowaad uu ku saabsanaa dib-u-eegista horumarka laga sameeyey hirgelinta go’aankii Shir-madaxeedka Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee ku saabsan gunnooyinka iyo doorashada xubnaha Baarlamaanka Sharci-dejinta Bariga Afrika (EALA), kaas oo la qorsheeyey inuu dhaqan galo Diseembar 2027.
Qodobka labaad ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka kaga hadlay khudbadiisa ayaa ku saabsanaa dhageysiga warbixin ku saabsan diyaar-garowga Ciyaaraha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika (EAC Inter-Parliamentary Games), oo lagu qaban doono magaalada Arusha ee dalka Tanzania, inta u dhexeysa 4-ta iyo 15-ka Diseembar 2026.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay si buuxda ugu diyaar-garowday ka qaybgalka ciyaaraha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika, isla markaana Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu u diri doono wafdi isboorti oo ka qaybqaata tartanka, si loo xoojiyo xiriirka, saaxiibtinimada, isku-duubnida iyo is-dhexgalka Baarlamaannada iyo dalalka gobolka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada ku dhiirrigeliyey inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa go’aanno ku habboon, wax-ku-ool ah oo la wada qaadan karo, kuwaas oo u adeegaya danta guud ee Baarlamaannada iyo guud ahaan Bulshada Bariga Afrika.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa muujiyey kalsoonidiisa ku aaddan in wada-tashiga iyo iskaashiga Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika uu horseedi doono natiijooyin wax-ku-ool ah oo xoojinaya wada-shaqeynta baarlamaanada, kobcinaya isku-duwidda hay’adaha, isla markaana horumarinaya himilooyinka iyo ujeeddooyinka wadajirka ah ee Bulshada Bariga Afrika, wuxuuna caddeeyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay ka qaybqaadashada wadatashi wax-ku-ool ah iyo xoojinta iskaashiga Baarlamaannada gobolka.











