Wararka
Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Soomaaliya ay dib u soo ceshatay kaalinteedii caalamiga ahayd
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in maanta Soomaaliya ay tahay dal codkiisu ka muuqdo fagaarayaasha caalamiga ah

Muqdisho (SONNA) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib u soo ceshatay kaalinteedii caalamiga ahayd, isaga oo tilmaamay in isbeddelka ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda uu ka mid yahay guulaha ugu waaweyn ee la gaaray afartii sano ee la soo dhaafay.
“Mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee afartii sano ee la soo dhaafay waa isbeddelka ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya muddo dheer ahayd dal inta badan laga hadlo, balse maanta ay noqotay dal codkiisa uu ka dhex muuqdo fagaarayaasha caalamka, isla markaana si toos ah uga qeyb qaata arrimaha khuseeya gobolka iyo dunida.
“Muddo dheer Soomaaliya waxay ahayd dal inta badan laga hadlo oo magac iyo muuqaal ahaan kaliya u jiray. Maanta Soomaaliya waxay noqotay dal hadlaya.” ayuu raaciyay madaxweynuhu hadalkiisa.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in waqtiyadii hore go'aamada masiirka Soomaaliya mararka qaar lagu gaari jiray meel ka baxsan xuduudaheeda iyadoo aysan ka qeyb ahayn, balse maanta ay Soomaaliya leedahay matalaad iyo cod ku saabsan arrimaha saameeya gobolka iyo caalamka.
“Waxay ahayd dal lagu go'aamiyo masiirkiisa meel ka baxsan xuduudihiisa isaga oo maqan, mararka qaarna aan miiska fadhin. Maanta waxay noqotay dal ka qeyb qaata go'aannada quseeya gobollada iyo caalamka intiisa kale.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo xiriirka caalamiga ah, difaaca danaha qaranka iyo kor u qaadidda doorka Soomaaliya ee fagaarayaasha gobolka iyo caalamka.



