calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay munaasabadda xuska 26-June

66-sano guurada xoriyadda Dalka ayaa xalay ka dhacday qaybo badan oo dalka ka mid ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay munaasabadda xuska 26-June
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay munaasabadda xuska 26-June — SONNA

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qayb galay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusay 66 sano guuradii ka soo wareegatay xorriyaddii gobolada Waqooyi ee dalka, taasi oo ku beegan 26-kii bishii Juun, sanadkii 1960-kii, tallaabadaasi oo ahayd billowgii hirgelinta himiladii gobannimo doonka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si qotodheer uga hadlay halgankii dheeraa iyo naf-hurnimadii ay halyeeyadii xaq u dirirka Soomaaliyeed u soo galeen hanashada xorriyadda iyo gobannimada dalka, isaga oo xusay in guulahaas taariikhiga ahi ay ku yimaadeen dadaal, adkaysi iyo midnimo shacabka Soomaaliyeed ay muujiyeen.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay maanta horyaalaan caqabado weli halis ku ah midnimada, wadajirka iyo jiritaanka dowladnimada dalka, waxa uuna xusay in ay barbar socdaan fursado muhiim ah oo u baahan in si wadajir ah looga faa’iideysto si loo ilaaliyo guulaha dib u dhiska dowladnimada, loona xaqiijiyo mustaqbal ay Soomaaliya ku gaarto xasillooni, horumar iyo isku duubni qaran.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabaddan qaran, isaga oo ku baaqay in la sii xoojiyo wadajirka, nabadda iyo dadaallada lagu xaqiijinayo Soomaaliya horumarsan oo mideysan.

La wadaag