Wararka
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay munaasabadda calan-saarka 1-da Luuliyo
Xuska maalintan waxa ay Soomaaliya u tahay munaasabad weyn oo Qaran

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay munaasabadda qaran ee Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo oo ku asteysan xorriyaddii Gobolada Koonfureed ee dalka iyo midowgii gobolada Waqooyi iyo Koonfur.
Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabaddan qiimaha weyn u leh qarannimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, isaga oo xusay in 1-da Luulyo ay tahay maalin ka tarjumeysa halgankii dheeraa ee ay halyeeyadii Soomaaliyeed u soo galeen xorriyadda iyo dowladnimada.
Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo gudanaya waajibaadkooda qaran ayaa si sharaf iyo maamuus leh u saaray Calanka Jamhuuriyadda, markii ay goor sheegtadu ku beegneyd 12:00 habeenimo, waqtigaasi oo ku beegan 66 sano ka hor isla xilligii Calankeenna la saaray caasimadda Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, wadajirka iyo dowlad-dhiska dalka, isaga oo tilmaamay in jiilasha maanta ay mas’uul ka yihiin sii ambaqaadidda himiladii aasaasayaashii qaranka Soomaaliyeed.


















