calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Bukaanno aad u badan oo helay adeegyo caafimaad oo indhaha ah

Bukaanno aad u badan oo helay adeegyo caafimaad oo indhaha ah
Bukaanno aad u badan oo helay adeegyo caafimaad oo indhaha ah — SONNA

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa daahfurtay mashruuc si lacag la’aan ah loogu daawerymayo dadka qaba nuucyada xanuunada ee ku dhaca indhaha.

Mashruucaan oo ah mid samofal ah oo loogu talagalay dadka ay dhibaatadu ka heyso aragga waxaa maalgalisay xarunta Boqortooyada ee Salmaan.

Dad gaaraya shan boqol oo ruux oo la ildaran dhibaatoyin ka heysta xagga indhaha ah ayaa helay howlo samofal ah oo isugu jiray baaritaanno,daaweyn iyo qalliin ay fulinayeen dhaqaatiir Soomaali ah.

Mashruucaan xagga daryeelka ah waxaa iska kaashanaya wasaarada caafimaadka XFS iyo xarunta boqor Salmaan ee qaabilsan gargaarka bini’aadanimada.

Furitaankii mashruucaan oo socon doona illaa 31 ka bisha disembar ee soo socota,waxaa goobjoogayaal ka ahaa mas’uuliyiin socday wasaaradda caafimaadka iyo Ku simaha Safiirka Sacuudi carabiya ee Soomaaliya Siciid al-qaxtani.

La wadaag