calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Lataliyaha amniga qaranka ee JFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Lataliyaha amniga qaranka ee JFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya
Lataliyaha amniga qaranka ee JFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya — SONNA

Muqdisho,(SONNA):- Lataliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa maanta ku qaabilay Xafiiska Amniga Qaranka Danjiraha Türkiye u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Türkiye, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac ee amniga iyo la-dagaallanka argagixisada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay muhiimadda ay siinayso sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee kala dhaxeeya Jamhuuriyadda Türkiye, si loo taageero dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida, iyo horumarka dalka.

La wadaag