calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta furmaya

Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta furmaya
Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta furmaya — SONNA

Muqdisho(SONNA):– Waxaa maanta Xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa ka furmaya Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada Labada Aqal ayaa hore loogu wargeliyay in maanta oo ku beegan 1-da Agoosto uu si rasmi ah u furmayo Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sida uu dhigayo Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u furi doona kalfadhiga, isagoo munaasabadda ka jeedin doona khudbad.

Kalfadhigan 8-aad waxaa horyaalla ajande ay ka mid yihiin ansixinta sharciyo muhiim ah,waxaana

si ku-meel-gaar ah u sii shir Guddoominayo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, kaddib markii uu xilka baneeyay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), oo loo doortay Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed.

La wadaag