calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose
Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose — SONNA

Muqdisho(SONNA) Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay saqdii dhexe howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta.

Howlgalka ayaa lagu dilay toddobo dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, oo uu ku jiray horjooge kaalin ku lahaa abaabulka maleeshiyaadka kooxda.

Sidoo kale, Ciidanka ayaa burburiyay laba goobood oo Khawaarijtu u adeegsan jireen tababarka iyo faafinta fikradaha xagjirnimada, kuwaas oo ay dadka ku marin-habaabin jireen kuna dhiirrigelin jireen falalka argagixisanimo.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale xaqiijinayaan inay sii wadi doonaan howlgallada lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha, maleeshiyaadka iyo xarumaha Khawaarijta, ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

FB_IMG_1783938862994.jpg

La wadaag