Wararka
Hawlgal ka dhacay Shabeelaha hoose oo lagu naafeeyey Khawaarijta
Howlgalka waxaa lagu dilay 7-xubnood, horjoogena waa lagu dhaawacay

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Tawakal ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay toddobo dhagar-qabe, kuna dhaawacay horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta.
Howlgalka ayaa lagu beegsaday xarun ay Khawaarijtu ku lahaayeen deegaanka Tawakal, kaddib markii NISA ay heshay xog sirdoon oo lagu xaqiijiyay in halkaas ay ku sugnaayeen horjoogeyaal muhiim u ahaa kooxda. Bartilmaameedka ayaa ahaa goob gudaha ah oo ay si gaar ah horjoogeyaashu ugu kulmi jireen, halkaas oo la beegsaday xilli ay ku sugnaayeen.
Horjoogeyaasha goobta ku sugnaa waxaa ka mid ahaa Yoonis Macalim Abuukar, oo qaabilsanaa deegaanka Mushaani; Abuu Xaaji Fareey, oo ahaa horjoogaha maleeshiyaadka ee deegaanka Tawakal, Ayaatullaahi, oo ahaa horjoogaha Jabhadda Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Cabdifitaax Rooble, horjoogihii Baadda ee deegaanka Baladul-Amiin.
Xogta hordhaca ah ayaa xaqiijisay in Horjooge Yoonis Macalin Abuukar iyo Horjooge Cabdifitaax Rooble ay dhaawacyo culus ka soo gaareen howlgalka.
Howlgalkan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Khawaarijta, laguna burburinayo horjoogeyaashooda iyo goobaha ay u adeegsadaan abaabulka falalka argagixisada.
Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 | 0770747474 | 0620 545454.



