calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Guddoomiyaha hay'adda SoDMA oo Laascaanood gaaray

Masuuliyin sare oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ayaa soo dhoweeyey

Guddoomiyaha hay'adda SoDMA oo Laascaanood gaaray
Guddoomiyaha hay'adda SoDMA oo Laascaanood gaaray — SONNA

Laascaanood (SONNA): Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.

Masuuliyin sare oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari oo isugu jiro Wasiirro , Xildhibaanno iyo Mayorka Degmada Laascanod ayaa soo dhoweeyay wafdiga guddoomiyaha oo u gaaray halkaasi dadaallada Hay’addu ku xoojinayso gurmadka iyo taageerada bulshada ay saameeyeen xaaladaha bani’aadannimo.

Inta uu ku sugan yahay Laascaanood, Guddoomiyuhu wuxuu dhawaan si rasmi ah u daah-furi doonaa Barnaamij Gargaaar oo qeyb ka ah ka jawaabista xaaladaha Abaaraha ee qoysaska nugul kaasi oo laga sameyn doono degmooyin katirsan maamulka Waqooyi Bari.

La wadaag