Wararka
Guddoomiyaha golaha shacabka oo wadahdal Teleefanka ah la yeeshay guddoomiyaha Baarlamanka Turkiga
Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa la doortay 10-kii bishan

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa wadahadal mira dhal ah khadka taleefanka kula yeeshay dhiggiisa Guddoomiyaha Baarlamaanka ee wadanka Turkiga Mudane Numan Kurtulmuş.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dalka Turkiga ayaa ugu horreyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ugu hambalyeeyey doorashadii loogu doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kale labada Guddoomiye ayaa wada hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta iyo dardargelinta xiriirka labada dal gaar ahaan wada shaqeynta baarlamaanada labada wadan, waxaana Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) uu dowladda Turkiga uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagantahay dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda.



