Wararka
Guddoomiyaha aqalka sare oo gudoomiyey kulanka guddiga joogtada ah ee Aqalka sare
Shirka ayaa ahaa kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad.
Ajandaha kulanka ayaa ahaa ka doodista iyo ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare ee Kalfadhiga 8-aad.
Guddoomiyeyaasha Guddiyada ayaa soo bandhigay qorsheyaashooda shaqo, kuwaas oo ay ka mid yihiin ka shaqaynta shuruucda horyaalla Golaha, dardargelinta isla-xisaabtanka iyo xoojinta korjoogteynta hay’adaha iyo Wasaaradaha Dowladda.
Kaddib dood iyo falanqayn dheer, waxaa la meel mariyay ajandayaasha Golaha iyo qorshe-hawleedka Guddiyada ee Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambayn, Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha ku bogaadiyay shaqada ay Qaranka u hayaan, isagoo faray in la dardargeliyo howlaha korjoogteynta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha Dowladda, lana xoojiyo wada-shaqaynta dhammaan Guddiyada Aqalka Sare.





