Gudaha
Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo lagu qaban doono Madasha Arrimaha Bini-aadannimada Soomaaliya (CHF 2026).
Wafdiga waxaa qeyb ka ah Wasiirrada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedyada dalka, waxaana Baydhabo ku soo dhaweeyay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka KGS, Cabdinaasir Cabdi Caruush iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.




La wadaag



