Gudaha
Guddoomiyaha Hay'adda SoDMA oo shir muhiim ah ka furay Nairobi

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo uu wehliyo Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay shir looga hadlayay u diyaar-garowga iyo ka hortagga fatahaadaha la filayo inay ka dhashaan roobabka xilliga Deyrta.
Shirka oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda SoDMA waxaa diiradda lagu saaray xoojinta nidaamyada digniinaha hore, qorsheynta wax ka qabashada fatahaadaha, iyo sidii loo heli lahaa sanduuq dhaqaale oo lagu taageero bulshada nugul ee ay saameyn karaan musiibooyinka dabiiciga ah.Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah.
Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa iftiimiyay muhiimadda ay leedahay in qurbo-joogta iyo ganacsatada Soomaaliyeed ay door muuqda ka qaataan gurmadka iyo taageerada bulshada Soomaaliyeed ee ay saameeyaan xaaladaha degdegga ah.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta dowladda, deeq-bixiyeyaasha iyo dhammaan bah-wadaagta arrimaha bini’aadannimada si loo kordhiyo u-diyaargarowga iyo ka hortagga fatahaadaha, loona xaqiijiyo in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo bulshada ay khataruhu saameyn karaan.





















