calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Guddoomiyaha Hay'adda SoDMA oo la kulmay Agaasimaha Gurmadka Deg Degga ah ee Hay'adda FAO

Guddoomiyaha Hay'adda SoDMA oo la kulmay Agaasimaha Gurmadka Deg Degga ah ee Hay'adda FAO
Guddoomiyaha Hay'adda SoDMA oo la kulmay Agaasimaha Gurmadka Deg Degga ah ee Hay'adda FAO — SONNA

Muqdisho,(SONNA):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Gurmadka Degdegga ah ee Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), Rein Paulsen, Wakiilka FAO ee Soomaaliya, Etienne Peterschmitt, iyo wakiillo ka socday Dowladda Norway, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u-diyaargarowga El Niño, digniinaha hore iyo tallaabooyinka degdegga ah ee looga hortagayo saameynta musiibooyinka.

Intii uu kulanku socday, waxaa laga wada hadlay sidii digniinaha hore loogu xiriirin lahaa tallaabooyin degdeg ah oo isku-duuban, si loo badbaadiyo nolosha dadka, loo ilaaliyo hab-nololeedka bulshada, loona yareeyo saameynta fatahaadaha iyo khataraha kale ee la xiriira El Niño.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay abaabulka dhaqaale iyo taageero dheeraad ah oo wax looga qabanayo baahiyaha bani’aadantinimo ee taagan, iyadoo la xoojinayo maalgelinta muddada fog ee u-diyaargarowga musiibooyinka, yareynta khataraha iyo dhismaha adkeysiga bulshada.

Ugu Danbeyn Guddoomiyaha SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa xaqiijiyay sida ay Hay’addu uga go’an tahay hoggaaminta dowladda ee maareynta khataraha musiibooyinka, xoojinta isku-duwidda iyo horumarinta iskaashiga ay la leeyahay hay’adaha caalamiga ah iyo bahwadaagta kale, si loo xaqiijiyo gurmad waqtigiisa ku habboon iyo awood dowladeed oo wax ku ool ah.

La wadaag