Wararka
Guddoomiyaha Baarlamaanka J FS oo u hambalyeeyay guddoonka cusub ee wakiilada hirshabeelle.
Muqdisho.SONNA…Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Dowlad- Goboleedka Hirshabeelle
Mudane Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Cabdi iyo ku xigeenadiisa oo kala ah Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Iidow iyo Mudane Jaamac Cali Maxamuud.
Guddoomiyaha ayaa mas’uuliyiinta cusub ee Guddoonka Golaha Wakiillada Hirshabeelle u rajeeyey guul iyo xilkasnimo, isagoo ku boorriyey inay si hufan u gutaan waajibaadka dastuuriga ah ee loo idmaday.
Sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka ayaa kula dardaarmay guddoonka wakiilada Hirshabeelle in ay ka shaqeeyaan xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, horumarinta matalaadda shacabka iyo danta guud ee dadka reer Hirshabeelle iyo guud ahaan Soomaaliya.

