Wararka
Baarlamaanka Hirshabeele oo guddoon cusub doortay

Jowhar (SONNA): Golaha wakiilada 3-aad ee Hirshabeelle ayaa guddoomiye u doortay CabdiXakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa mar kale ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad goboleedka Hirshabeelle, isagoo helay 77 cod.
Cabdiraxmaan Cabdi Iidoow ayaa isn loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Dowlad goboleedka Hirshabeelle, isagoo helay 98 cod.
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Hirshabeelle ayaa Jaamac Cali Maxamuud u doortay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, isagoo ku guuleystay 97 cod oo gacan-taag ah.
La wadaag



