Wararka
Guddigga doorashooyinka oo Dhuusamareeb kula kulmay ururada siyaasadda
Guddoomiyaha ayaa xusay in aan waxba laga badalin jadwalka doorashada oo hore loogu muddeeyey 25-ta Bishan

Dhuusamareeb (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan ayaa ka warbixiyey abaabulka doorashada isku sidkan ee ka dhici doonta Galmudug, taas oo lagu dooran doono golayaasha deegaanka iyo Xildhibaanada Galmudug.
Guddoomiyaha ayaa xusay in aan waxba laga badalin jadwalka doorashada oo hore loogu muddeeyey 25-ta Bishan, inkasta oo ururada siyaasaddu ay guddiga u soo gudbiyeen codsi la xiriira in waqtigaasi dib looga dhigo, sababo la xiriira inay u baahanyihiin waqti ay ku ololeeyaan oo ay ku kala gaaraan degmooyinka Galmudug oo ah kuwa aad u kala fog.
Sidoo kale gudoomiyaha ayaa xusay in guddigu la kulmay saraakiisha ammaanka ayna ka wada hadleen sidii xoojin lahaa nabadgalyada goobaha doorashada iyo wada shaqeynta dhinacyada ay quseyso doorashada sidii looga dhigi lahaa mid wanaagsan.
![]() ![]() ![]() ![]() | ||
|---|---|---|






