Wararka
Guddiga doorashooyinka Qaranka oo kulan la qaatay beesha Caalamka
Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa beesha caalamka uga warbixiyey doorashooyinka ka dhacay qaybo ka mid ah dalka

Muqdisho (SONNA): Gudoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa kulan xogsiin ah la qaatay xubnaha beesha calamka.
Kulankan xogsiinta ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa safiirrada wadamada Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Shiinaha, Turkey, Ethopia, Kenya, Sudan iyo Masar, sidoo kale Xubno ka socday hay’adaha caalamiga sida Qaramada Midoobey, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashi Islaamka .
Gudoomiyaha Guddiga Mudane Cabdikariin Axmed Xasan oo ugu horreyn khudbad ka jeediyay kulanka ayaa ka warbixiyay waxyaabaha u qobsoomay Guddiga madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo ay ugu muhiimsanaayeen Doorashooyinki Golaha Deegaanka ee ka qabsoomay Gobolka Banaadir, iyo Doorshooyinkii isku-sidkanaa ee Golaha Degeenka iyo Golaha Wakiilada ee ka qabsoomay Dawlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Doorashooyinka isku-sidkan ee qorsheysan inay ka qabsoomaan Dawlad Goboleedka Hirshabeelle.










