calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo Liibiya kaga qaybgalay shir caalami ah

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo Liibiya kaga qaybgalay shir caalami ah
Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo Liibiya kaga qaybgalay shir caalami ah — SONNA

SONNA-Wafdi ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), oo uu hoggaaminayo Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Maxamed Haaruun Maxamuud, ayaa 28 ilaa 31-ka bishan Luulyo, magaalada Benghaasi ee Liibiya kaga qaybgalay shirweyne ay ku kulmeen hay’adaha xuquuqda aadanaha, garsoorayaal, khubaro iyo sharci-yaqaanno ka kala socday waddamo kala duwan.

Shirkaas waxaa diiradda lagu saaray arrimo badan oo ku saabsan xoojinta caddaaladda, garsoorka, daryeelka maxaabiista, ka-hortagga tahriibka iyo sidii hawlahaas la isaga kaashan lahaa.

Wafdiga Guddigu waxa ay xoogga saareen dhibta ay tahriibtu ku hayso dhallinyarada Soomaaliyeed, ehelka iyo waalidiinta dalkii kaga dambaysa iyo guud ahaanba qaranka Soomaaliyeed, iyo sidii wax looga qaban lahaa loogana kaashan lahaa

.Guddiga dalka Liibiya ee Xuquuqda Aadanaha iyo Guddiga La-socodka iyo Korjoogteynta Xabsiyada iyo Maxaabiista, oo shirkan soo qabanqaabiyay, ayaa si gaar-gaar ah u qaabilay wafdiga GMXIQ, waxayna si adag u ballanqaadeen in ay Guddiga iyo guud ahaanba Dowladda Soomaaliyeed si dhow uga la shaqaynayaan sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ee Liibiya ku dhibaataysan loo caawin lahaa.

La wadaag