Wararka
Garsooraha Soomaaliga ah ee Cumar Cartan oo Berri dhex-dhexaadinaya ciyaarta UEFA Super Cup
Garsooraha Soomaaliyeed ee Cumar Cartan ayaa ka hadlay arrinta ku saabsan in loo diiday gelitaanka dalka Mareykanka si uu uga qaybgalo Koobka Adduunka ee FIFA ee 2026-ka, isagoo dhacdadaas ku tilmaamay "xilli adag" oo soo maray.

Garsooraha Soomaaliyeed ee Cumar Artaan ayaa ka hadlay arrinta ku saabsan in loo diiday gelitaanka dalka Mareykanka si uu uga qaybgalo Koobka Adduunka ee FIFA ee 2026-ka, xilli uu isu diyaarinayo inuu noqdo garsoorihii ugu horreeyay ee aan Yurub u dhalan ee dhex-dhexaadiya ciyaarta UEFA Super Cup.
Cartan waxaa loo xushay inuu noqdo garsoore ka hawlgala Koobka Adduunka, wuxuuna noqon lahaa garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo ka qaybqaata tartankaas, waxaana loo diiday inuu soo galo dalka ka dib markii uu 6-dii Juun gaaray Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Miami, inkastoo uu haystay fiiso sax ah.
Hay’adda Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha ee Mareykanka ayaa sheegtay in loo diiday inuu dalka soo galo sababo la xiriira "walaac laga qabay xaqiijinta xogtiisa," balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.
FIFA ayaa markii dambe xaqiijisay inuusan ka qayb-geli karin tartanka. "Waxay ahayd xilli aad u adag," ayuu Artan u sheegay UEFA.com.
"Dad badan ayaa ii naxariista, waayo marka qof uu sannado badan shaqeynayay, loona baahnaa inuu wax qabto balse uu awoodi waayo inuu sameeyo, waa xaalad aad u adag," ayuu yiri.
Inkastoo uu niyad-jab jiray, haddana Cartan wuxuu muujiyay mahadcelin ku aaddan taageerada caalamiga ah ee uu helay.
Si kastaba ha ahaatee, runtii aad baan u qaddarinayaa taageerada aan ka helay daafaha dunida; aad baan ugu mahadcelinayaa.
UEFA ayaa Artan u magacowday ciyaarta Super Cup-ka shan maalmood ka dib markii loo diiday inuu galo dalka Mareykanka, taas oo timid ka dib wadahadallo ay la yeesheen Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF).
Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan wuxuu sheegay in warkaasi uu farxad u keenay qoyskiisa iyo bulshooyinka Soomaaliyeed ee ku nool daafaha Yurub. "Markii aan helnay wicitaankan, aniga iyo qoyskaygaba waxay noo ahayd xilli aad iyo aad u farxad badan," ayuu yiri.
“Waxaa Yurub iyo Austria ku nool bulsho Soomaaliyeed oo ballaaran, aadna way ugu faraxsan yihiin inaan dhex-dhexaadinayo ciyaar sidan oo kale ah.”
Cumar Cartan, oo 34 jir ah, ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta maalinta Arbacada dhexmari doonta kooxda ku guuleysatay UEFA Champions League ee Paris Saint-Germain iyo kooxda haysata koobka Europa League ee Aston Villa, taas oo ka dhici doonta garoonka Red Bull Arena ee magaalada Salzburg, Austria.
Ciyaartani waxay noqon doontaa hawshii ugu horreysay ee garsoorenimo ee Artan uu ka qabto Yurub. Cartan wuxuu ku biiray liiska caalamiga ah ee Garsoorayaasha FIFA sannadkii 2018-kii, wuxuuna noqday Garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo dhex-dhexaadiya ciyaaraha Koobka Qaramada Afrika sannadkii 2024-kii.
Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan wuxuu markii dambe noqday Soomailigii ugu horreeyay ee dhex-dhexaadiya ciyaarta kama-dambaysta ah ee tartanka CAF Champions League, waxaana loo magacaabay Garsooraha Ragga ee Sannadka ee CAF sanadkii 2025-kii, isagoona dib u milicsanaya safarkiisa, Crtan wuxuu ku dhiirrigeliyay Garsoorayaasha mustaqbalka inay sii wadaan daba-galka himilooyinkooda inkastoo ay la kulmi karaan caqabado.
"Waxaan aaminsanahay in haddii aan anigu guulaysan karo, qof kastaa uu sidaas oo kale samayn karo. Waxaad samayn kartaa wax kasta oo aad rabto. Weligaa ha joojin inaad riyooto," ayuu yiri.
UEFA ayaa sheegtay in magacaabista Cumar lagu sameeyay heshiis iskaashi oo CAF iyo UEFA ay saxiixeen sanadkan, kaas oo looga gol leeyahay xoojinta wada shaqaynta labada dhinac. "Tani waa sharaf weyn oo u soo hoyatay Cumar Cartan iyo Garsoorayaasha Afrika," ayuu yiri Madaxweynaha CAF, Patrice Motsepe, sida lagu sheegay hadallo ay UEFA Isniintii daabacday.
XIGASHO: Anadolu Agency



