Wararka
Galmudug oo saaka u dareertay doorasho qof iyo cod ah
Waxaa la dooranayaa golayaasha deegaanka degmooyinka iyo golaha wakiilada

Dhuusamareeb (SONNA): Bulshada Galmudug ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta doorashada isku sidkan ee golayaasha deegaanka iyo golaha wakiilada, taas oo ka dhacaysa ku dhowaad 300 oo goobood oo 11-degmo ka kala tirsan.
Doorashada golaha wakiilada waxaa ku tartamaya 369-musharax oo ka kala socda 12-urur siyaasadeed, kuwaas oo ku loolamaya kuraasta golaha wakiilada Galmudug oo 89-Xildhibaan ah.
Dhinaca kale doorashada golaha deegaanka waxaa ku tartamaya 924 musharax, oo ka kala socda 16-urur siyaasadees, kuwaas oo ku loolamaya 243-kursi oo ah golayaasha deegaanka 11-degmo oo Galmudug ah.
Wasiirro iyo Xildhibaano heer federaal ah oo deegaan doorashadoodu Galmudug tahay ayaa saaka codadkooda ka dhiibtay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb, waxaana sidoo kale doorasha kormeeray Ra'iisal wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Cabdikariin Axmed ayaa xusay in hawsha doorashadu ay si habsami leh u socoto.













