calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Maqaallada

FARRIIN: Masiibadu ma sugto Digniin goor hore la helo ayaa nolosha Dadka badbaadisa.

Mashruucan waxaa loo socdaa in digniintu gaarto dalka oo dhan, si ay u yaraato 42% dhimashada ay keenaan masiibooyinka ilaa sannadka 2030-ka.

FARRIIN: Masiibadu ma sugto Digniin goor hore la helo ayaa nolosha Dadka badbaadisa.
FARRIIN: Masiibadu ma sugto Digniin goor hore la helo ayaa nolosha Dadka badbaadisa. — SONNA

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka (International Day for Disaster Risk Reduction), waxaan iftiimineynaa mashruuc cusub oo Soomaaliya ka hirgalaya, kaas oo si toos ah loogu gaarsiinayo 1.2 milyan oo qof digniino, iyadoo la adeegsanayo fariimaha Taleefanka, dhawaaqyada digniinta iyo Shabakadaha Bulshada.

Sida lagu qoray Bogga baraha bulshada ay ku leedahay Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta barnaamijyada ee UNDP.

Mashruucan waxaa loo socdaa in digniintu gaarto dalka oo dhan, si ay u yaraato 42% dhimashada ay keenaan masiibooyinka ilaa sannadka 2030-ka.

Mashruucan waxaa hoggaamineysa Hey’adda Maareynta Masiibooyinka SODMA Soomaaliya  iyo Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta UNDP ee ku sugan Soomaaliyaa, waxaana maalgeliya Hey’adda la yiraa Green Climate Fund (GCF).

𝗦𝗔𝗔𝗗𝗔𝗔𝗦𝗛𝗔 𝗥𝗢𝗢𝗕𝗔𝗕𝗞𝗔 7 𝗠𝗔𝗔𝗟𝗠𝗢𝗢𝗗 𝗘𝗘 𝗦𝗢𝗢 𝗦𝗢𝗖𝗢𝗧𝗔 (𝟭7 𝗸𝗮 𝗶𝗹𝗮𝗮 24𝗸𝗮 𝗢𝗸𝘁𝗼𝗼𝗯𝗮𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟲).

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka cimilada waxa ay idinla wadaageysa Saadasha Roobka todobaadka soo socda.

𝗥𝗼𝗼𝗯𝗮𝗯 𝘅𝗼𝗼𝗴𝗴𝗮𝗻 (𝗞𝗮 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝟱𝟬 𝗺𝗺).

Roobab xooggan oo gaari kara 50–100 mm ayaa laga filayaa deegaanno kooban oo ka tirsan Mudug (Gaalkacyo iyo Galdogob), Bakool (Tayeeglow), Galgaduud (Ceel Dheer) iyo Bari (Caluula iyo Iskushuban).

𝗥𝗼𝗼𝗯𝗮𝗯 𝗱𝗵𝗲𝘅𝗱𝗵𝗲𝘅𝗮𝗮𝗱 𝗮𝗵 (𝟮𝟬–𝟱𝟬 𝗺𝗺).

Roobab dhexdhexaad ah ayaa laga filayaa qaybo ka mid ah gobollada Bari, Nugaal, Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose, Bay iyo Togdheer, gaar ahaan deegaannada Qardho, Garoowe, Jariiban, Cadaado, Ceelbuur, Beledweyne, Buuloburde, Jowhar iyo Qoryooley.

𝗥𝗼𝗼𝗯𝗮𝗯 𝘆𝗮𝗿 (𝗞𝗮 𝗵𝗼𝗼𝘀𝗲𝗲𝘆𝗮 𝟮𝟬 𝗺𝗺)

Roobab u dhexeeya 5-20 ayaa laga filayaa inta badan Awdal, Woqooyi Galbeed, Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, iyo qaybo ka mid ah gobollada kale ee dalka.

𝗙𝗜𝗜𝗥𝗢 𝗚𝗔𝗔𝗥 𝗔𝗛

Roobabka la saadaaliyey waxay faa'iido u yeelan karaan beeraha, daaqa iyo ilaha biyaha. Hase yeeshee, deegaannada laga filayo roobabka xooggan waxaa ka dhici kara daadad degdeg ah iyo biyo-fadhiisin ah.

Bulshada waxaa lagu boorrinayaa inay muujiyaan feejignaan, lana socdaan digniinaha rasmiga ah.

Qiyaas ahan waa wadarta roobabka intaa ayaa la filayo muddada 1uu dhaxayso 17–24 Oktoobar 2026, waxayna ku kala duwanaan karaan deegaannada.

La wadaag