Wararka
Duqa muqdisho oo qaabilay danjiraha cusub ee Aljeeriya u fadhiya Soomaaliya

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨-(SONNA)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa qaabilay Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda aan walaalaha iyo saaxiibka nahay ee Aljeeriya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Maxamed Caalim.
Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa soo dhaweeyay dib-u-furista Safaaradda Dowladda Aljeeriya ee Muqdisho, oo xirnayd tan iyo 1985-kii, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim u ah xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa isla adkeeyay muhiimadda ay leedahay ballaarinta wada-shaqeynta dhinacyada horumarinta, maalgashiga iyo is-dhaafsiga khibradaha.
Danjire Maxamed Caalim ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) wuxuuna xaqiijiyay sida dowladdiisa ay uga go'an tahay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo kan iskaashi ee ay la leedahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Guddoomiye Ku-xigeennada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Agaasimeyaal iyo Mas'uuliyiin kale.


