Gudaha
Duqa Muqdisho oo Qaabilay Duqa Magaalada St. Louis Park ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka

Muqdisho(SONNA);- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta oo Axad ah xafiiskiisa ku qaabilay Duqa Magaalada St. Louis Park ee Gobolka Minnesota, dalka Maraykanka, Marwo Nadia Mohamed, oo booqasho rasmi ah ku joogta Caasimadda Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Muqdisho iyo St. Louis Park, is-weydaarsiga khibradaha maamulka dowladaha hoose, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta wada-shaqeynta labada magaalo.<br>Guddoomiye Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo si diirran u soo dhaweeyay Marwo Nadia Mohamed, ayaa ku bogaadiyay guusha taariikhiga ah ee ay gaartay, taas oo ka dhigtay haweeneydii ugu horreysay ee Soomaaliyeed, Muslim ah iyo Madow ah ee loo doorto xilka Duqa Magaalada St. Louis Park.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in guushaasi ay tahay mid dhiirrigelin u ah bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada, isla markaana ay muujinayso kartida iyo kaalinta sii kordheysa ee ay Soomaalidu ku leeyihiin hoggaaminta iyo adeegga bulshada.
Dhankeeda, Marwo Nadia Mohamed ayaa uga mahadcelisay Guddoomiye Muungaab soo dhoweynta iyo martigelinta uu u sameeyay. Waxay sidoo kale bogaadisay dadaallada Dowladda Hoose ee Muqdisho ay ku horumarinayso adeegyada bulshada, bilicda magaalada iyo dib-u-dhiska caasimadda.
Marwo Nadia Mohamed ayaa ugu dambayn muujisay sida ay uga go'an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada magaalo.





