Wararka
Duqa Muqdisho iyo Guddoomiyaha rugta ganacsiga oo ka wada hadlay xoojinta ganacsiga dalka

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨-(SONNAO0-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab, ayaa hoygiisa kulan soo-dhoweyn ah ugu sameeyay Guddoomiyaha cusub ee Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha Soomaaliyeed, Mudane Yaasiin Maxamuud Cibaar.
Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga u dhexeeya Maamulka Gobolka Banaadir iyo bahda ganacsatada, iyadoo la isla meel dhigay in la xoojiyo ka-wada-shaqeynta horumarinta magaalada Muqdisho, kobcinta dhaqaalaha, dhiirrigelinta maalgashiga iyo abuurista fursado shaqo, iyadoo la adkeeyay doorka ganacsatada ee horumarinta caasimadda.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa soo dhoweeyay Guddoomiyaha cusub ee Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha Soomaaliyeed, isagoo muujiyay in Maamulka Gobolka Banaadir uu diyaar u yahay xoojinta iskaashiga bahda ganacsatada, si loo abuuro jawi ganacsi oo taageera horumarka iyo kobaca caasimadda.



