Wararka
Dowladda oo mashaariic horumarineed ka fulineysa Hargeysa

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf , ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay heshiis lagu hirgelinayo mashruuca daraasada iyo naqshadaynta waddooyinka magaalada Hargaysa.
Heshiiska ayaa dhinaca kale waxaa u saxiixay Mudane Ala'a Nemer, Agaasimaha iyo Wakiilka Xafiiska Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashaariicda (UNOPS) ee Soomaaliya, iyadoo munaasabadda saxiixa ay muujinayso iskaashiga dhow ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UNOPS ee horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
Mashruucan ayaa qorshihiisu yahay in laga hirgeliyo daraasad iyo naqshadaynta wadda dhaxmarta magaalada Hargaysa oo 45 kilometer ah iyo buundada Boqol Jire.
Wajiga koowaad waxaa lagu bilaabi doonaa 23 kiiloomitir, kuwaas oo ay ku jiraan shan qaybood oo waddooyin ah oo ballacoodu yahay 150 fiit, kuwaas oo guud ahaan dhererkoodu dhan yahay 11.95 kiiloomitir, waxaana qayb ka ah Buundada Weyn ee Boqol-jire.
Heshiiskani wuxuu qayb ka yahay Mashruuca Nagaad, oo ah barnaamijka ugu weyn ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee horumarinta magaalooyinka dalka, kaas oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka, iyadoo miisaaniyadda guud ee mashruucu ay dhan tahay 275 milyan oo doollarka Maraykanka ah.
Saxiixa heshiiskan ayaa ka tarjumaya sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go'an tahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta in dhammaan deegaannada Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland, ay si siman uga faa'iidaystaan barnaamijyada horumarinta qaranka, si loo xoojiyo isku xirnaanta, koboca dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.



