Gudaha
Danjiraha JFS ee Sacuudi Carabiya oo la kulmay ku-xigeenka wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga

Muqdisho,(SONNA):- Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, ayaa kulan la qaatay Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Waliid Al-Khuraiji.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, si loo sii adkeeyo danaha wadajirka ah ee labada dal ee walaalaha ah.


La wadaag



