Wararka
Ciidanka Kumaandooska Danab oo hawlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ku teedsan jiinka Webiga Jubba
Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa adeegsaday diyaarado milatari si ay ciidamada uga daabulaan una gaarsiiyaan goobaha bartilmaameedka ah, iyagoo si toos ah u gaaray aagagga ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen.

Jubbada Hoose: Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab XDS ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ku teedsan jiinka Webiga Jubba, kaas oo lagu beegsaday fariisimo iyo difaacyo ay Khawaarijtu ku lahaayeen Aaggaasi.
Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa adeegsaday diyaarado milatari si ay ciidamada uga daabulaan una gaarsiiyaan goobaha bartilmaameedka ah, iyagoo si toos ah u gaaray aagagga ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen.
Markii ciidamada ay gaareen goobta, waxay qaadeen hawlgallo qorsheysan oo lagu beegsaday fariisimihii iyo difaacyadii Khawaarijta, waxaana kooxda la gaarsiiyay jab xooggan iyo khasaare culus.
Intii uu socday hawlgalku, ciidamada ayaa burburiyay awooddii Khawaarijta ee goobihii la beegsaday, iyadoo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda la gaarsiiyay khasaare, halka qaar kalena ay ka firxadeen fariisimahoodii.
sida lagu qoray Bogga Ciidanka Danab, Hawlgalkan ayaa muujinaya awoodda iyo diyaar-garowga Ciidanka Kumaandooska Danab, iyo sida ay uga go’an tahay inay gaaraan goob kasta oo Khawaarijtu isku daydo inay gabaad iyo difaac ka dhigato.
Taliska Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa xaqiijiyay in hawlgallada lagu wiiqayo awoodda Khawaarijta iyo lagu xaqiijinayo amniga deegaannada ay sii socon doonaan, iyadoo ciidamada ay ka go’an tahay difaaca shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.



