Wararka
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐ช๐๐๐๐ข๐ฅ๐๐ฒ ๐ฐ๐๐๐๐ข ๐ค๐ ๐ฌ๐จ๐๐๐ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐ญ๐๐ซ
Wafdiga ayaa dalka u joogay arrimo la xiriira maalgashiga wax-soo-saarka cuntada iyo dhanka caafimaadka

Muqdisho(SONNA): Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay wafdi ka socday Dowladda Qatar, oo uu hoggaaminayay La-taliye Sare, ahna Agaasime ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Mudane Talaal Binu Rashiid Al-Hajri.
Wafdiga oo dalka u joogay arrimo la xiriira maalgashiga wax-soo-saarka cuntada iyo dhanka caafimaadka, isla markaana shalay heshiis dhinacyo badan ah la saxiixday Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa salaan sharafeed ugu yimid Raโiisul Wasaaraha, iyaga oo la wadaagay farriimo ay ka wadeen madaxda dalkooda.
Raโiisul Wasaare Xamsa ayaa wafdiga, oo uu wehliyay Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya, Cabdullaahi Bin Saalim Al-Nucaymi uga warbixiyay horumarrada waaweyn ee Dowladda Federaalka ay ka samaysay dhinacyada amniga, kor u qaadista dhaqaalaha iyo adeegyada dadweynaha, isaga oo sidoo kale bogaadiyay xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.






