Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Turkiga oo Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay Barnaamijka Tababarka Baarista Maaliyadda
    January 31, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 30, 2026
    Sarreeye Guuto Elio Manes oo si Rasmi ah u La Wareegay Taliska Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya
    January 30, 2026
    Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah
    January 30, 2026
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dhambaal ku aaddan 15 Maajo oo loo diray Aasaasayaashii Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Dhambaal ku aaddan 15 Maajo oo loo diray Aasaasayaashii Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL)
Maqaallada

Dhambaal ku aaddan 15 Maajo oo loo diray Aasaasayaashii Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL)

By Agaasimaha SONNA
Last updated: May 14, 2021
4 Min Read
Share

MUQDISHO,(SONNA)- Waxaad marka hore iga guddoontaan Salaan idiinkaga timid mid kamid ah Jiilasha ku soo koray, wax ku soo bartay islamarkaasna ku soo kifaaxay Gobannimadii aad dhiigiinna u daadiseen, xoolihiina iyo dantiiniina u dayacdeen.

Aasaasayaasha Ururkii SYL ee Sharafta iyo Qiimaha lahaayow.

Salaantan waxaan kala soo socdaalay Raas Casayr iyo Raas Kamboone waxayna daarrantahay ย duur-xul iyo daltabyo.

Waxaan Allaah idiinkaga baryayayaa in uu Jannadiisa qaaliga ah idin dejiyo!

Haddii aan intaas gogol-xaar iyo maan-xadantayn uga gudbo, waxaan maanta oo ku beegan 15 Maajo oo ah maalinta loo asteeyay in loo dabbaaldego Ururkiini SYL rabaa in aan idiin xogwaramo e, ii oggolaada in aan idiinkaga xogwaramo meesha uu xaalkeenu joogo 78 sano kaddib markii aad aasaasteen Ururka SYL.

  • Waxaad 78 sano kahor ka digteen, ka dagaasheen kana dhiidhideen heeryadii Gumaysiga ee berigaas na saarnayd waxaadna ku guulaysateen in aad Gumaysigii naga kicisaan, dalkeennuna uu noqdo dal xor ah oo dowlad dimuquraadi ah leh. Hadda waxaan ku jirnaa xaalad ka duwan xaaladii wakhtigaas. Waxaa intaas noo dheer in gumaysigi berigaas aad la dirirteen uu hadda ku guulaystay in dad badan oo Soomaaliyeed ay u durbaan-tumayaa in uu dalka dib ugu soo laabto.
  • Qabyaaladdii aad berigaas gaashaanka u daruurteen dadkana kala dagaasheen waxay haatan dalka ka jirtaa iyadoo halbeeg u ah qayb kasta oo hab-nololeedka bulshada ku jirta, sida dhaqan-dhaqaalaha, saami-qaybsiga siyaasadda iyo xitaa qaar kamid ah qaar goobaha diinta iyo cibaadada.
  • Dhaqankii iyo hiddihii aan dadka kale uga dir-soocnayn wuxuu hadda marayaa meel Allow Sahal ah oo aan ka baqayo in labaatan sano dibadeed la waayo cid aqoon iska daayeโ€™ ย xitaa dhigaal qoran ka haysa. Dhaqanno cusub oo aan dunida ka soo qalin-daarannay ayaan haatan ku faannaa, waxaana marag ma doonto ah in afafka qalaad ka mudan yihiin afkeenna, waayo goobaha ganacsiga, daryeelka caafimaadka iyo xittaa ogeysiisyada ama wacyigelinnada waxaa lagu qoraa luqado qalaad ama Af Soomaali dubbe lala dhacay!
  • Midnimadi aad berigaas hanateen waxay iyaduna hadda qaadatay macno kale; waxay noqotay mid la galo lagana baxo wakhtigii la doono. Waxaa lagu jaangooyaa rabitaanka hoggaanka markaas hor-booda maamullada dalku u kala qaybsamay oo haatan Lix ah.
  • Dowladnimadii aad noo dhaliseen waxay haatan la daalaa-dhacaysaa dakharo siyaasadeed oo ay u gaysteen dad qaybaaladda ku awr kacsada oo manfaca qabiilka iyo mansabka dowladda isku xira. Dadkaas annga ayaa doorana annaga ayeeyna na dulleeyaan, waana dad wata dhaqanka โ€arkaa qaadka ahโ€ ee Allaah laga magangalo.
  • Daโ€™yarta Soomaaliyeed oo haddii idinka la idin barbardhigo aqoon iyo anfacaba idinka badan ayaa waxaa ku dhacay cudur ay cududdooda la arki waayeen, cudurkaas oo keenay in ay noqdaan โ€ma liibanayaasha lagu liibaanayโ€.

Waxaan aad iyo aad uga uur-xumahay in aan Aakhiro idiinkugu soo diro dhambaal aadan mudnayna in aad maqashaan ama aragtaan, laakiin waxaan rabaa in aan qalbiga idiinkugu qaboojiyo in ay jiraan ififaalooyin soo ifbaxaya oo muujinaya in hoggaanka dalka ee hadda talada haya ay xoogga saarayaan dib u soo noolaynta awoodda dhallinyarada. Wuxuu fursado shaqo, hoggaamin iyo metelaadba siiyay daโ€™yar badan oo rag iyo dumar isugu jira.

Waxaan rajaynayaa in sannadkan sannadka xiga haddii uu Alle idmo wedkuna ii kaadiyo aan degelkiina idiinkugu soo diro dhambaal kan ka wanaagsan, ka rajo iyo raynrayn badan Insha Allaah!

Duco iyo mahadnaq naga guddooma.

W/Q. Cabdi Muuse Macalin oo ah Qoraa, Suxufi madaxbanaan, Macallin Saxaafadeed, Turjubaan iyo Nabadjire

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Turkiga oo Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay Barnaamijka Tababarka Baarista Maaliyadda

Ankara(SONNA):-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu…

January 31, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maxay ka dhigantahay billadsharaf heerka qaran ah ee la guddoonsiiyay Prof.Cabdalla Cumar Mansuur

Afka mirifrirkiisiyo Buuni weeye Mansuur Mahwi weeye aan gurin Mufti weeye gaammurey Muqni weeye kaafiya Muguc weeye shaafi ah Mad-hab…

Maqaallada
December 16, 2024

Wajiga koobaad ee dagaalka Khawaarijta ayaa lagu Xoreeyay 70 Degaan

Muqdisho(SONNA):-Xukuumadda Dan-Qaran oo fulineyso aragtida Madaxweynah jamhuumriyadda federaalka soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee ku qotonta in xasilooni iyo nabada…

Maqaallada
March 22, 2023

Xasan Sh.โ€œSoomaaliya waxay ku faani khayraadka Alle siiyayโ€ (WARBIXIN)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Shiikh Maxamuud ayaa tilmaamay in iskaashiga caalamka uu ku tiirsan yahay ixtiraamka sharciyadda iyo…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
January 30, 2024

Shamso” Al-shabaab waxay dileen Aabahay, Walaalkay iyo Adeerkey, waliba lacag baad ah ayay na dul dhigeen,”

Muqdisho.(SONNA):- Shamso Maxamed Ceel Jooge, waxay dhibane u tahay Kooxda Khaawrijta Al-shabaab, waxayna ka dileen Aabaheed, Walaalkeed iyo Adeerkeed, intaas…

Maqaallada
March 19, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023