Maqaallada
Somaaliya 1941–1950: Hantidii la kala qaatay iyo Kaabayaasha Dhaqaale ee lumay xilligii maamulkii Ingiriiska Qeybta 1-aad (MAQAAL)
Daraasad taariikheed oo ku saabsan kala furfuristii Tareenkii Muqdisho–Afgooye–Jowhar, Warshadihii cusbada Xaafuun, xarumihii kalluumaysiga iyo Macdanta, iyo saameyntii ay arrimahaasi ku yeesheen dhaqaalaha Soomaaliya.

Sannadkii 1941, markii ciidamadii Ingiriisku la wareegeen Soomaaliya Talyaanigu gumaysan jiray, dalka wuxuu galay marxalad cusub oo siyaasadeed iyo dhaqaale. Isbeddelkaasi kuma koobnayn oo keliya cidda dalka maamulaysay, balse wuxuu saamayn weyn ku yeeshay kaabayaashii dhaqaalaha, warshadihii iyo xarumihii wax-soo-saarka ee dalka.
Intii uu Talyaanigu Soomaaliya ka talinayay, waxaa la dhisay kaabayaal dhaqaale oo ay ka mid ahaayeen Waddooyin, Dekedo, xarumo Beeraha waaweyn, Warshado iyo Waddo Tareen. Inkasta oo dhismayaashaas ay qeyb ka ahaayeen siyaasaddii gumaysiga Talyaaniga, isla markaana inta badan loogu adeegayay danihiisa dhaqaale, haddana waxay abuureen kaabayaal Gaadiid iyo wax-soo-saar oo muhiim u ahaa dalka.

Markii Ingiriisku la wareegay maamulka Soomaaliya, waxaa bilaabmay kala furfuris iyo rarista qeybo ka mid ah hantidii Warshadeed iyo qalabkii kaabayaasha dhaqaalaha. Tallaabooyinkaas waxaa lagu xusay qoraallo taariikheed iyo daraasado ka hadlaya maamulkii Ingiriiska ee Soomaaliya.
Mid ka mid ah tusaalooyinka ugu waaweyn wuxuu ahaa Tareenkii isku xiri jiray Muqdisho, Afgooye iyo Villaggio Duca degli Abruzzi, oo maanta loo yaqaan Jowhar. Tareenkan oo la dhisay xilligii Talyaaniga, dhererkiisuna ahaa qiyaastii 114 kiiloomitir, wuxuu ahaa khadkii Tareen ee keliya ee Soomaaliya ka shaqeyn jiray, wuxuuna fududayn jiray isu socodka dadka iyo badeecadaha, gaar ahaan wax-soo-saarka Beeraha ee laga keeni jiray dhulka ku teedsan Webiga Shabeelle.

Beeraha waaweyn ee Jowhar iyo Afgooye waxay soo saari jireen Moos, Suuf, Sonkor iyo dalagyo kale oo ganacsi. Tareenku wuxuu wax-soo-saarkaas ku xiri jiray dekedda Muqdisho, halkaas oo badeecadaha loogu diyaarin jiray suuqyada gudaha iyo kuwa dibadda.
Hase yeeshee, markii Ingiriisku la wareegay dalka, Tareenkii waa la kala furfuray, Birihiisii iyo qalabkiisiina waa la raray. Arrintan waxaa lagu xusay dukumentiyo iyo qoraallo taariikheed oo ka hadlaya xaaladdii Soomaaliya xilligii maamulka Ingiriiska. Sidaas ayay ku dhammaatay adeegsigii kaabayaasha Tareenka, waxaana meesha ka baxay Gaadiid muhiim u ahaa isku xirka xarumaha Beeraha iyo dekedda Muqdisho.
W.Q. Eng. Salah Shek Osman
oo ah Cilmi baare dhaqanka iyo nabadda ah



