Wararka
Wasiirka Waxbarashada XFS “Dalkeennu wuxuu leeyahay ciidan ku filan difaaciisa”
Wasiirka Waxbarashada ,Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa Magaalada Muqdisho ku qabtay Dood cilmiyeed ku saabsan waxa hortaagan in ay xoogeysato dowladnimada Soomaaliya .
Dood ciliyeedkaan oo ay ka qeybgaleen aqoonyahanno ka socda Machadka Sare ee Daraasaadka Amniga iyo Istiraatiijiyadda (HISS) iyo dhallintaro kale waxaa looga hadlayaa sababaha hortaagan in la helo dowlad sal adag,dhibaatooyinka jira iyo sida ugu habboon ee looga gudbi karo wax kasta oo caqabad ku ah dowladnimada Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa xusay in dalku uu leeyahay ciidan qaran oo u taagan difaaca dalka,isla markaana diyaar u ah samatabixinta dadka iyuo dalka.
“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an la dagaalanka kooxaha xagjirka ah iyo soo celinta amniga dalka,sidaa daraadeed waxaan ku talineynaa in ciidanka lagala shaqeeyo xasilinta dalka”sidaasi waxaa yiri wasiir Faarax C/Qaadir.



