Wararka
Wasiirka deegaanka oo Turkiga uga qaybgalay shir ku saabsan cimilada iyo nabadda

Antalya (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Sarreeye Guud Bashir Maxamed Jaamac (Bashiir Mohamed Jama), ayaa ka qaybgalay shir heer wasiirro ah oo looga hadlayay xoojinta xiriirka ka dhexeeya isbeddelka cimilada, nabadda iyo amniga dalalka nugul (Climate, Peace and Security).
Shirka oo ay martigelisay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Midowday (UK), Rt Hon Ed Miliband MP, ayaa goobjoog ahaa wasiirro ka kala socday, Soomaaliya, Chad, Yemen, Koonfurta Suudaan iyo Suuriya, iyo wakiillo sare oo ka socday Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Bangiga Adduunka, Midowga Yurub, Sanduuqa Caalamiga ah ee Cimilada (GCF) iyo Bangiyada Horumarinta.
Wasiirka Bashiir ayaa khudbadiisa ku dul-istaagau in isbeddelka cimiladu Soomaaliya ku tahay caqabad amni oo bani'aadannimo, isaga oo xusay in abaaraha soo noqnoqda, fatahaadaha, barakaca iyo Sugaanta Cunatada, ee hab-nololeedka bulshada, isla markaana ay sii kordhiyaan nuglaanta dalka.
Wasiirka ayaa soo bandhigay habka Soomaaliya u wajahdo xiriirka Cimilada, Nabadda iyo Amniga, kaas oo ku salaysan saddex arrimood, aqoonsiga khatarta, hirgelinta qorshayaasha iyo xaqiijinta natiijooyin muuqda.
Sidoo kale, Waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay arrimaha cimilada ku dartay qorshayaasha iyo siyaasadaha qaranka, oo ay ka mid yihiin Qorshaha Isbeddelka Qaranka (National Transformation Plan), Qorshaha Qaranka ee La-qabsiga Isbeddelka Cimilada (NAP) iyo NDC 3.0, iyadoo sidoo kale diyaarinaysa Istaraatiijiyadda Qaranka ee Cimilada, Nabadda iyo Amniga.
“Caqabadda ugu weyn waa sidii ballanqaadyada iyo siyaasadaha loogu beddeli lahaa waxqabad baaxad leh, gaar ahaan helitaanka maalgelin cimilo oo dabacsan oo la isku halleyn karo, taas oo ay heli karaan dalalka nugul iyo kuwa ay colaadaha.”
Ugu dambayn, Wasiirka ayaa ku baaqay in la kordhiyo helitaanka maalgelinta cimilada, lana xoojiyo iskaashiga caalamiga ah iyo mashaariicda heer deegaan, si loo dhiso adkeysiga bulshada, loo yareeyo khataraha amni ee la xiriira isbeddelka cimilada, loona xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta.






