Gudaha
𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐚 𝐐𝐚𝐲𝐛 𝐆𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐡𝐞𝐞𝐫 𝐠𝐨𝐛𝐨𝐥 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa magaalada Nouakchott ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Mauritania uga qayb galay Madasha heer gobol ee Maalgashiga Caafimaadka.
Madasha oo ay isugu yimaadeen madaxda caafimaadka Gobolka, hay’adaha caalamiga ah, iyo daneeyayaasha maalgashiga caafimaadka, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, maalgashiga caafimaadka iyo dhisidda nidaamyo caafimaad oo adkaysi leh.
Wasiirka ayaa hadal uu ka jeediyay dood heer wasiir ah oo looga hadlayay iskaashiga South-South Cooperation kusoo bandhigay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib-u-habaynta iyo horumarinta nidaamka caafimaadka, isagoo adkeeyay muhiimadda iskaashiga gobolka, horumarinta wax-soo-saarka dawooyinka, iyo maalgelinta waarta ee lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka si loo gaaro caafimaad loo siman yahay.
Kulanka wasiirka waxaa ku wehliyay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Algeria iyo Mauritania Amb. Yusuf Ahmed Hassan (Jeego) iyo Masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaalo lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah iyo kan gobolka looguna qareemayo kor u qaadidda maalgashiga caafimaadka dalka.
















