calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Warbixin la xiriirtay saadaasha dhaqaalaha Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo bandhigay

Warbixin la xiriirtay saadaasha dhaqaalaha Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo bandhigay
Warbixin la xiriirtay saadaasha dhaqaalaha Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo bandhigay — SONNA

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Maxamuud C/Raxmaan Sheekh beene beene ayaa daahfuray munaasabad lagu soo bandhigaayay daabacaadda saddexaad ee Warbixinta Saadaasha Dhaqaalaha Soomaaliya.

Munaasabaddaan oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan,wasiir ku xigeenka Maaliyadda,xubno ka socday midowga bangiyada,ganacsato iyo marti sharaf kale waxaa lagu lafaguray isbadadalka dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo sida loo sii ambaqaadi karo horumarada kala duwan ee jira.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta XFS oo ka hadlay munaasabadda ayaa ka warbixiyay soo bandhigidda daabacaadda sadexaad ee saadaasha dhaqaalaha dalka iyo guud ahaan halka uu ku wajahan yahay.

Warbixintaan oo ay soo gudbiyeen Wasaaradda Qorsheynta waxay falanqeyneysaa waxqabadka dowladda ee dhinaca dhaqaalaha,iyadoo sidoo kale ka hadleysa qiimeynta xaaladda dhaqaale ee dalka,gaar ahaan sanadihii u dhaxeeyay 2018-2025-kii.

Sidoo kale,warbixinta ayaa lagu muujiyay sida ay lagama maarmaanka u tahay in Dowladda Soomaaliya ay u howlgasho ballaarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo kobcinta wax soo saarka dalka.

La wadaag